| Ururka Midnimada Ukrainian iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada waxaay si wada jir ah ugu istaageen,taageerada abaaraha ka jira Africa
“Jaaliyadanadu waxay ka mid ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee aafada abaaraha iyo gaajada taas oo ay dad malaayin ah aygu dhinteen.Ukrainians masiibadii Holodomore. Cuntadu waa wax daruuri u ah bini aadamka xaqna u ah sidii lagu gaarhsiin lahaana waa in aan la hor istaagin.”
Sidaas waxaa yidhi: Paul Grod, oo ah madaxa golaha Ukraine.
Toronto, Ontario – Golaha Ukrainian Congress (UCC) iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee Canada waxay maata si wada jir ah u soo ssree olole lagu taageerayo dadka abaaruhu saameeyeen. Golaha UCC’s ee u gargaarey abaaraha waxaa hor kaacaya mudane ka tirsanaan jirey baarlamaanka. Mudane Borys Wrzesnewskyj.
“Waxaan ku faraxsanahay in Golaha Ukrainian Candian iyo jaaliyada Soomaaliyeed ee Canda ay si wada jir ah ugu ololeenaayaan siday isaga kaashan lahaayeen dareen galinta iyo deeq u raadinta dadka abaaraha saameeyeen ee Africa. Dad kayagu waxay ahaayeen kuwii ugu horeeye abaartii baabiisay dadka ee wadatay macaluushii galaafatay dad gaadhay malaayiin Ukrainian ah, abaartaas oo la dhihi jirey Holodomor. Aduunku wuxuu iska indha tiray dhimashadii baahsaneyd ee dadka reer Ukaraine ee dhacday 1932-1933. Ma aqbalayno in aduunka iyo Canadiankuba iska indha tiraan dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed. Cuntadu waa waxa daruuriga u ah bini aadimka waana in aan laga hor istaagin helitaankeed”
Sidaas waxaa yidhi Madaxa golaha Ukrainian mudane Paul Grod.
Golaha Ukrainian Canada waa hay’ad samafal ah iyo horumarinta waxbarashada waxay aqbalayaan gargaar deeq arurineed ilaa iyo September 16,2011 oo ah xiliga loo qabtay deeq aruurinta abaaraha Africa. Waxaana si toos ah ugu gudbinaynaa deeqahaas dadka macluusha iyo abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya. Deeq aruurintani waxaay buuxinaysaa shuruuda dowladu qoondeeysay ee saami dhiganka doolarka oo inta keento in la eg ay dowladu ku darayso.
” Arintani waxay noo tahay wax weyn,waxaan dareemaynaa in jaaliyada Ukrainian Canadian ay fahameen dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee macaluusha abaarta iyo daryeela’aanta,oo ay u dhimanayaan kumanaan. Waxaana taa kaliftay xasuustii dheereyd ee Holodomor dhacdayna 1930′s. Labadaya shacab ee Ukraine iyo Soomaalida waxay wadaagaan taariikh xanuun badan oo ah sameeynta abaarta aan dabiiciga ahyn. Waxaan si weyn uga codsanaynaa jaaliyadaha kale ee Canda in ay qaadaan talaabada ay qaadeen jaaliyada Ukraine. Oo u istaagaan in ay wax u qabtaan kumaanka ku lee anaaya Soomaliya ee ay saameysay abaartu.”
Sidaas waxaa yidhi isku xidhaha Project Aran mudane Hassan Aden.
“Midka mid ah xeerarka xaquuqal insaanka ayaa ah in ruuxa la quudiyo,cunto uu helaa. Jaaliyada Ukriane waxay aad uga damqabaan muqaalka macaluusha, taas oo kaliftay taariikh dheer oo ay soo mareen oo tii Holodomor ee ka dhacday Ukraine. Holodomor waa xasuus macaluuleed uu abuuray dowladii soviet oo Joseph stalin uu ku talagalay in uu ku baabiyo shacabka Ukraine.”
Sidaas waxaa yighi mudane Borys Wrzesnewskyj.
“Muuqaalka naxkinta leh ee caruurta macaluusha u dhimaneysa ee Soomaaliyeed waxay u dhigataa isku sina noo taabaneysaa dhacdooyinka xasuustanada ku jira ee malaayiintii macluusha u dhimatay ee Holodomor aduunkuna uu ka aamusay xasuutaas foosha xumaa.” Yidhi: Borys.
Abaarta iyo macluusha Soomaalia waxay ku tusaysaa baaba, argagaxa ay keenayso in uu ruuxu waayo wixii uu xaqa u lahaa ee ah cuntada.
Golaha Ukrainian Canada wuxuu la shaqeynaya UNICEF si ay hubiyaan in deeqdas ay gaadhay dadkii u baahnaa ee jooga meelaha ay dhibatadu ka dhacday.
Deeq aruurintani waxay Buuxinaysaa shuruuda dowlada qoondeysay ee saami dhigaalka doolarka oo inta aad keento in la eg ay dowladu ku dareyso.
Wixii deeq ah oo ugu talga gasheen “abaaraha Africa” waxaad ku soo diri kartaan UCC xafiiska oo ku yaal Winnipeg: 952 Main Street – Suite 203, Winnipeg, Manitoba R2W 3P4 www.ucc.ca |